Si looga hortago khiyaanada korna loogu qaado amniga portalka, Milkiile waxa uu ku dhiiri geliyaa macaamiisha xaqiijinta koontadooda. Haddii aad doonayso inaad u isticmaasho Milkiile inaad wax ku iibiso ama wax ka iibsato waxaan kugula talin lahayn inaad koontadaada xaqiijiso si loo ogaado inaad tahay qof sax ah.
Sideen ku xaqiijin karaa koontadayda?
Si aad koontadaada u xaqiijiso gudaha u gal Appka Milkiile kadibna ku dhufo "Profile" kaga sii dhufo "Hubi Akoon" kadibna raac tilmaamaha.
Maxaa dukumiinti la iiga baahan yahay?
- ID,Baasaboor ama Shatiga darawalnimada
- Lambarka telefoon oo aad adigu leedahay
- Sawir Selfie ah inaad iskaga qaaddo Appka dhexdiisa adiga oo kor u haayo ID-ga
Xaqiijinta koontadu lacag miyaa?
Maya, wax lacag ah kuma bixin doontid inaad xaqiijiso akoonkaaga.
Muddo intee la eg ayay astaanta xaqiijintu ka muuqan doontaa koontadayda ?
Haddii aadan tirtirin koontadaada Milkiile oo aadan ka bixin systemka Milkiile, ama qalad aad gashay awgeed aan lagaaga saarin systemka, astaanta xaqiijintu way ka muuqan doontaa akoonkaaga oo ma ahan wax muddo kadib baabi'i doono.
Dukumiintii aan soo geliyay laakiin weli akoonkayga lama xaqiijin, maxaa dhacay?
Haddii aad soo buux-buuxiso shuruudaha loo baahan yahay, muddo 48 saac gudaheeda ah ayaan kuugu soo jawaabi doonnaa. Haddii dukumiintigaaga wax ka dhiman yihiin waxaan kuu soodiri doonnaa email lagu sharxi doono waxa kaa dhiman.
Maxay faa'iido leedahay inaan xaqiijiyo koontadayda?
- Waxaa fududaa doonta inaad sheegato koontadaada haddii wax dhacaan
- In macaamiishu ogaato inaad tahay qof sax ah ama ganacsi sax ah oo la hubiyay
- In xayeysiintaadu ka sare marto kuwa aan kootadooda la hubin
- In fariimahaagu ka sare maraan kuwa aan kootadooda la hubin
- Inaad hesho tix gelin gaar ah marka aad caawinaad u baahato
Waxyaabaha ay tahay inaad ka taxadarto si horay looga xaqiijiyo koontadaada
- Hubi in magaca aqoonsigaaga ku qoran iyo kan profile-kaaga ma muuqdo uu isku mid yahay
- Hubi in xiliga dhalashada ee profile-kaagu uu saxan yahay
- Hubi in si fiican loogu jeedo aqoonsigaaga
- Marka aad sawirka iskaga qaadayso aqoonsigaaga, hubi in si fiican loo akhrin karo xogta dukumiintiga aad kor u hayso.
- Sawirka iskaga qaad meel iftiin fiican leh