Si aad u furato akoon ganacsi ah waa inaad doorato qaybta (category) kugu habboon. Milkiile waxaa ku jiro qaybo kala duwan sida hantida maguurtaanka ah, gaadiidka, iibka alaabaha, makiinadaha, shaqooyinka iyo adeegyada kale ee muhiimka ah. Sidaas awgeed waa inaad furato akoon ku haboon shatiga ganacsigaaga. Tusaale haddii aad tahay shirkad iibisa alaabta marka aad akoonka furanayso ma dooran kartid "Gaadiidka" ama "Hantida maguurtaanka ah" waayo shati gooni ah ayay leeyihiin.
Muhiim: Waxaad xayeysiin ka soo gelin kartaa oo kaliya qaybta aad dooratay marka aad akoonka ganacsiga samaysanaysay.
Haddii aad u baahan tahay caawinaad ku sababsan akoon furashada fadlan la sooxiriir adiga oo buux-buuxinaayo formkaan ama email inoogu soodir support@milkiile.com
Haddii aad doonayso inaad toos u wacdo Kooxda qaabilsan furitaanka akoonka ganacsiga ah fadlan soo wac 888.