Haddii aad doonayso inaad degdeg ku gaarto macaamiil badan, wadada kuugu fudud waa inaad isticmaasho mid ka mid ah adeegyadeena xayeysiinta. Waxaa jiro 4 qaab oo aad isticmaali karto haddii aad doonayso in xayeysiintaadu dad badan gaarto oo aad degdeg ku gaarto hadafkaada.
Adeega sare qaad (Feature)
Adeega feature waa adeega ugu saameynta badan adeegyadeena oo kuu sahlaayo in xayaysiintaadu muddada aad dooratay ay noqoto tan ugu sarreyso bogga natiijada. Waxaad xayaysiintaada ku hayn kartaa bogga hore ee natiijada 3 maalin, 7 maalin ama 14 maalin.
Tusaale haddii aad xayaysiin baabuur ah soo geliso oo aad adeega sare uqaad isticmaasho, mar kasta oo baabuur laga raadiyo xaafadda aad dooratay baabuurkaada ayaa ugu horreyn doono kuwa macaamiishu arki doonaan.
Adeega cusboonaysiiye (Auto Renew)
Adeegga cusboonaysiiye waa ka jaban yahay adeega feature dhanka lacagta. Adeega Auto Renew Waa in xayeysiintaada la cusboonaysiiyo maalin kasta si ay uga saro marto kuwa ka dambeeyay.
Tusaale haddii aad xayaysiin ka soo gelisay degmada Hodan, xayeysiimaha ka dambeeyo mar waliba taada ayaa ka sara mari doonto haddii aad isticmaasho adeega Auto Renew. Sidoo kale adeega Auto Renew waxaa ka sarreyn doono dadka isticmaalo adeega “Feature” oo ah kan ugu saameyn weyn adeegyadeena.
Adeega Muujiye (highlights)
Adeega muujiye waxaa la isticmaalaa marka aad doonayso in macaamishu horay ka arkaan xayaysiintaada oo midab ka duwan xayaysiimaha kale ayaa loo isticmaali doonaa sidoo kalena sawirka xayaysiintaada korkiisa astaanta muujiye ayaa ka muuqan doonto.
Adeegaan waxa uu ku fiican yahay haddii aad doonayso in xayaysiintaadu ka duwanaato kuwa kale ayna fududaato in horay laga garto.
Adeega Deg deg (Urgent)
Haddii aad doonayso in macaamiishu ogaadaan inaad si degdeg ah wax u iibineyso ama u kireyneyso qaabka ugu fudud oo aad macaamiisha ugu sheegi karto waa inaad isticmaasho adeega "Deg Deg" oo xayeysiintaada u yeeli doono soo jiidasho dheeraad ah.