Hadafkeenu waa in qof kasta si nabad ah wax ku iibsado ama ku iibiyo oo aan la dagaalanno kuwa ka soo horjeeda amaanka mareegtada. Sidaas awgeed waad nagala qayb qaadan kartaa adiga oo inoo soo sheegaayo ficilada, dhaqamada iyo waxyaabaha aad ka shakiso ama u ragto inaysan wanaagsanayn ama dhib u keeni karaan bulshada. Weliba qofka aad soo sheegtay ma ogaan doono inaad warbixin ka soo gudbisay oo lama wadaagi doonno xogtaada.
Marka aad waxyaabaha khaldan soo sheegto waxaa laga yaabaa inaan kula soo xiriirno haddii macluumaad dheeraad ah loo baahdo.
Soo sheeg haddii aad aragto
- Haddii aad la kulanto ficilo xun sida aflagaado, handadaad, been abuur, meel ka dhac iwm
- Haddii aad ka shakiso iibiyaha ama iibsadaha
- haddii laguu soodiro fariimo aan wanaagsanayn
- Haddii aad aragto xayeysiin khaldan oo aan sax ahayn ama xogta xayeysiinta iyo xogta iibiyuhu ku siiyay ay kala duwan yihiin
- Iyo wax kasta oo aad u ragto in aysan wanaagsanayn waad nala soo wadaagi kartaa.
Sidee loo soo sheegaa xayeysiimaha khaldan
ku dhufo xayayesiinta aad doonayso inaad soo sheegto
- ku dhufo xayeysiinta aad doonayso inaad dacweyso kadibna ku dhufo saddexda dhibic
ee qaybta midig haddii aad appka ka isticmaalayso ama mareegtada ku dhufo
"Soo sheeg"
- Sanduuqa kuu furmay ka dooro qaybt ay khuseyso dacwadaada
- Soo qor fahfaahin aad ku qeexeyso sababta aad u soo gudbisay
- Kadibna OK dheh oo sidaas ayaad inoogu soo sheegtay
Waad ku mahadsan tahay inaad nagu caawisay horumarinta portalka iyo sugista amniga macaamiisha. Kooxda caawinadda macaamiisha ayaa baaritaan samayn doonto.
Haddii aad doonayso inaad block garayso isticmaalaha ku dhufo 3da dhibic ee sare kadibna dooro block User oo OK dheh. Waad xannibtay isticmaalahaas oo mar dambe fariin kuuma soodiri doono, sidoo kale adiguna uma diri kartid.