Raasumaalkeena ugu weyn waa aaminadda macaamiisha
Ka Milkiile ahaan mar kasta waxaan ka shaqaynaynaa sidii macaamiisheenu ugu adeegan lahaayeen qaab amaan ah laakiin waxaa jira dhacdooyin naadir ah oo dhici karo. Halkaan ka akhriso oo taxadar mar kasta:-
- Iska hubi in iibiyuhu yahay mid la hubiyay oo akoonkiisu leeyahay calaamadda buluuga ah
. Iibiyaasha aan akoomadoodu lahayn calaamadda buluuga ah
wax dukumiinti ah kama hayno sidaas awgeed si fiican iskaga hubi.
- Xogta akoonkaaga sida emailka, nambar sireedka iwm fadlan qof kale hala wadaagin. La soco Milkiile macaamisha ma weydiiyo nambar sireedkooda. La soco haddii akoonkaada qof kale kula isticmaalo oo qof lagu dhibaateeyo adiga ayaa ka masuul ah.
- Haku dhufan Link kasta oo laguu soodiro, siiba kuwa laguugu soodiro Email, Whatsapp ama SMS ahaan ee aadan hubin qofka kuu soodiray. Waxaa jiro khiyaanoolayaal dadka u diro link Virus ku jiro oo qof kasta oo ku dhufta ka jabsada akoomadooda.
- Haddii aad doonayso inaad la xiriirto iibiye ama iibsade, kaliya isticmaal nidaamka wada hadalka Milkiile si aan wada hadalkiina u kaydino.
- Samayso nambar sireed awood leh oo ka duwan kuwa aad akoomada kale ku isticmaasho. Nambar sireedkaaga waa inuu ugu yaraan ka kooban yahay 8 xaraf oo ay ku jiraan erayo, nambaro iyo astaamaha gaar ah.
- Mar kasta oo aad doonayso inaad gasho akoonkaada fadlan ka gal Mobile Appkeena ama booqo www.milkiile.com. Haka gelin link meel kale lagaaga soodiray.
- Marka aad la kulmeyso qofka alaabta iibinaayo haaddii uusan goob shaqo lahayn fadlan la kulan maalinta dhexdeeda oo kula kulan goob dad badan joogaan. Haddii aad rabto asxaabtaada horay waad usii wadan kartaa. Haddii aad qofka alaabta iibinaayo aad kula kulmeyso gurigiisa fadlan horay u wado qaar ka mid ah asxaabtaada ama qoyskaaga.
- Inta aadan ka iibsan alaabta iibiyaha si fiican iskaga fiiri oo iska hubi inuu yahay sida loo xayeysiiyay.
- Fadlan adiga oo aan arag alaabta kuna qancin wax lacag ah ha u dirin iibiyaha.
- Haddii aad tahay iibiye weligaa hubso in lacagtu ku soo gaartay waayo tuugadu waxa ay kuu soodiri karaan dukumiinti muujinaaya inay lacag direen oo been abuur ah si aad u aaminto laakiin adiga oo aan lacagta bangigaaga ama telefoonkaaga ku arag ha dhiibin alaabta.
- Haddii aad doonayso inaad kireysato ama iibsato hanti ma guurto ah fadlan lacagta ha udirin adiga oo aan arkin hantida sidoo kalena aan saxiixin heshiiska. Halkaan ka akhriso tilmaahamaha badbaadada ee hantida ma guurtada ah iyo gaadiidka.
- Haddii aad gaadiid ka hesho Milkiile oo aad doonayso inaad iibsato fadlan wax lacag hormaris ah ha udirin iibiyaha taas bedelkeeda ka codso iibiyaha inuu kula kulmo oo haddii aad ku qanacdo gaadiidka fadlan isku raaca nootaayada oo halkaas ku sii lacagta. Haddii aad iibiye tahay fadlan iska hubi in lacagtu ku soo gaartay waayo caddayn been abuur ah ayaa lagu tusi karaa.
- Wax kastaa dhici karo ee jeebka lacag haku qaadanin, haddii aad ka hesho alaabta si ay cadayn kuugu noqoto lacagta ugudir iibiyaha Bangi ahaan ama Telefoon ahaan, adigoo isticlaamalaya mobile payments-ka dalka ka jira.
- Weligaa xawaalad lacag ha ugu dirin iibiyaha waayo waa qaabka ugu badan ee ay isticmaalaan khiyaanoolayaashu.
Fadlan wixii caawinaad ah, mar kasta nagala sooxiriir: 610531111 / 637777779