Si aad xayaysiin usoo geliso Milkiile waa inaad haysato Credit kugu filan. Bil kasta waxaad heli doontaa Credit lacag la’aan ah oo aad u isticmaali karto inaad xayaysiin ku soo geliso. Haddii credit-ka lagu siiyay uu kaa dhamaado waxaad iibsan kartaa Credit cusub.
Waa maxay Credit?
Credit waa nidaam cusub oo uu isticmaalo Milkiile kaas oo macaamiishu iibsan karaan si ay xayeysiin usoo geliyaan ama kor ugu qaadaan xayeysiintooda.
Goorma ayaad u baahan tahay inaad Credit iibsato?
Haddii aadan haysan Credit kugu filan oo aad doonayso inaad xayaysiin soo geliso, ama aad u baahato inaad xayaysiintaada kor u qaaddo waxaad si fudud ku iibsan kartaa credit cusub.
Muddada isticmaalka credit-ka
Credit-ka lacag la’aanta ah ee lagu siiyo waa inaad 30 maalin gudaheeda ku isticmaasho halka credit-ka aad iibsato aad ku isticmaali karto 365 maalin gudaheeda, haddii aadan muddadaas gudaheeda ku isticmaalin wuu dhici doonaa. Haddii uu dhaco Credit-ka aan la isticmaalin muddada loogu talo galay wax celis ah ma lahan.
Dhammaan Credit-yada aad iibsato wax celis ah ma lahan.
Credit-ka kuu haray iyo muddada aad ku isticmaali karto waxaad ka heli kartaa akoonkaada Milkiile qaybta lacagaha.
Qaabka lacag bixinta
Haddii aad doonayso inaad Credit iibsato waxaad lacagta ku dhiibi kartaa mid ka mid ah akoomada hoose.
Bangiyada aan isticmaalno: Premier Bank, Salaam Bank, Dahabshiil Bank, IBS Bank, Ziraat Katilim Somalia Bank, Iyo My Bank.
Muhiim: Fadlan lacagta ka soodir oo kaliya Bangiga aad isticmaasho oo akoon aadan lahayn lacagaha laga soodiro akoonkaada Milkiile ma soo gaari doonaan.
Sidoo kale lacagta marka aad soodirayso fadlan Qaybta fahfaahinta ku qor Username kaaga si lacagtu degdeg ugu soo gaarto akoonkaaga Milkiile.