Isticmaalka Milkiile waa 100% lacag la’aan, xili kasta iyo meel kasta waad ku isticmaali kartaa. La soo deg appkeena oo ku xayeysiiso laabtaada iyo hantidaada si ka fudud sidii hore. Wixii aad doonto ku iibi Milkiile ama ka iibso weliba adiga oo aan dhiibin wax lacag khidmad ah.
Milkiile waa meesha ay ku kulmaan iibiyaha iyo iibsadaha waana mareegtada ugu weyn dalkeena.
Muhiim: Milkiile wax lacag khidmad ah kama qaato alaabta ama hantida la iibiyay ama la kireeyay.
Wax soo gelintu lacag miyaa?
Milkiile labo midkood ayaad wax ku soo gelin kartaa. Qayb lacag la’aan ah iyo qayb lacag ah.
Qaybta lacag la’aanta ah
Milkiile waxa uu ku siin doonaa Credit lacag la’aan ah oo bil kasta lagu siin doono. Qayb (category) kasta waxaa lagaa siin doonaa Credit lacag la’aan ah oo kuu sahlaayo inaad qaab lacag la’aan ah wax ugu xayeysiiso Milkiile.
Haddii aad doonayso inaad ogaato Credit-ka lacag la’aanta ah ee aad haysato booqo akoonkaada kadibna ku dhufo Profile kaga sii dhufo Lacagaha.
Qaybta lacagta ah
Haddii uu kaa dhammaado Credit-ka lacag la’aanta ah ee lagu siiyay oo aad doonayso inaad xayeysiin kale soo geliso waxaad iibsan kartaa Baakad (package) kugu haboon.
Halkaan ka hel qaabka aad package u iibsan karto.
Muhiim: Ha hilmaamin markasta oo aad xayeysiintaada u calaamadayso “waan iibiyay” ama “waan kireeyay” waxaad heli doontaa Credit lacag la’aan ah.