Waxaa jiro 2 qaab oo aad kula xiriiri karto iibiyaha. Inaad kula xiriirto telefoon ahaan iyo inaad kula xiriirto wada sheekeysiga Milkiile.
Si aad ula xiriirto iibiyaha gudaha u gal akoonkaada kadibna xayeysiinta aad ka heshay ku dhufo kadibna riix "wac" ama ku dhufo "la hadal' oo la xiriir iibiyaha.
F.G: Mararka qaar waxaa laga yaabaa in iibiyuhu qariyo telkiisa oo aad kaliya kala xiriiri karto qaybta wada hadalka.
Muhiim: Inaad isticmaasho qaybta wada hadalka Milkiile marka aad la xiriirayso iibiyaha waxa ay kuu sahli doontaa in haddii wax dhacaan ay cadayn kuu noqoto oo aan degdeg wax uga qabano. Fadlan mar kasta isticmaal wada hadalkeena oo la soco wixii idinku dhexmaro banaanka adiga iyo iibiyaha Milkiile waxba kalama socon karo.
Si aad ula socoto dhamman fariimaha aad is dhaafsateen iibiyaasha
- Booqo appka ama mareegta
- Gudaha u gal akoonkaada
- Ku dhufo qaybta fariimaha
- Ka dooro iibiyaha aad doonayso inaad aragto fariimihiisa.
La soco fariimaha aad u direyso iibiyaha waa inay khuseeyaan oo kaliya xayeysiinta aad wada hadalkeeda isticmaalayso.
Halkaan ka akhrisi shuruucda fariimaha