Milkiile waa isku xiraha bulsha, waana mareegto wax lagu xayeysiisto oo kaliya oo anagu ma hayno ama lihin alaabta ku jirta portalka ee dadka soo geliyay ayaad kala xiriiri kartaa kana iibsan kartaa. Sidaas awgeed si aad wax uga iibsato dukaamada ku jira Milkiile oo aad uga mid noqoto kumanaanka qof ee maalin kasta wax ka iibsata Milkiile, raac tilmaamahaan hoose:
- Baaritaan dheer sameey: Eeg inta dukaan ama qof ee iibisa shayga aad u baahan tahay, is barbar dhig qiimaha, isku day inaad xog dheeraad ah ka wada hesho iibiyaha, si fiican iskaga akhri fahfaahinta xayeysiinta, weydii dhammaan wixii su'aal ah iibiyaha, ka dalbo sawiro dheeraad ah haddii aad u baahato. Haddii aad aragto xayeysiin khaldan fadlan nala soo wadaag adiga oo ku dhufanaayo qaybta "Dacwee" si aa uga hortagno kuwa faafinaayo xogaha khaldan.
- Weligaa dooro iibiya leh calaamadda buluuga ah
: Si kor loogu qaado tayada iibiyaasha, Milkiile waxa uu ka dalbadaa iibiyaasha inay soo gudbiyaan dukumiintigooda shakhsiga ah iyo kan shirkadda si loo hubiyo jiritaankooda. Mar waliba dooro kuwa la hubiyay oo haddii wax dhacaan aan degdeg wax uga qaban karno oo aan la wadaagi karno laamaha amniga.
- Ogaaw shuruucda iibiyaha: Weydii oo isku day inaad ogaato shuruucda uu ku shaqeeyo iibiyaha waayo waxaa dhici karto in iibiyuhu uusan ogolayn soo celinta alaabta, qiimo dhimis, rakibidda alaabta, ama adeegyada iibinta kadib la sameeyo. Sidaas awgeed marka hore si fiican iskaga hubi.
- Meel fiican kula kulan:Inaad la kulanto macmiilkaaga waa arin wanaagsan oo kor u qaadayso is-dhexgalka bulshada laakiin inaad la kulanto qof aadan garanaynin damcan ma sahlana, sidaas awgeed dooro meel caan ah oo kula kulan goob dad badan joogaan oo iska ilaali inaad weligaa qof habeen la kulanto. Haddaad rabto asxaabtaada horay usii wado si ay kuu caawiyaan.
- Kala hadal qaybta wada hadalka Milkiile: Si qaab amaan ah aad ula hadasho iibiyaha ama kireeyaha fadlan Markasta oo aad doonayso inaad xog dheeraad ah ka hesho xayeysiinta kala xiriir qaybta wada hadalka. Wax kasta oo aad ku wadahadashaan midkiin ma tiri karo oo cadayn ayay idiin noqon doontaa. Milkiile waxba kama qaban karo wada-hadalada idinku dhex maro banaanka.
- Weligaa lacag horay haka dirin: Adiga oo aan alaabta arag, si fiican iskaga eegin oo aan ku qancin wax lacag ah ha udirin iibiyaha. La soco:-
- Iiibiyaha: Tuugadu waxa ay kuu soodiri karaan dukumiinti muujinaaya inay lacag direen oo been abuur ah si aad u aaminto laakiin adiga oo aan lacagta bangigaaga ama telefoonkaaga ku arag ha dhiibin alaabta.
- Iibsadaha: Fadlan ka dalbo iibiyaha inuu furo baakadda si aad u aragto waxa gudaha ku jiro, qaarkood "ma furi karo oo haddaan furo celi ayuu noqonaa" ayay ku dhihi karaan, u sheeg inaadan lacag dhiibi karin adiga oo aan arag waxa gudaha ku jira.
Muhiim: Fadlan la soco Milkiile wax khidmad ah kuma lahan alaabaha lagu iibiyo mareegtada, masuulna kama ahan wixii dhaco, sidaas awgeed fadlan is ilaali oo taxadar. Haddii wax dhacaan fadlan la wadaag laamaha amniga sidoo kale nala soo wadaag si aan dhankeenu u qaadno tilaabooyinka nagu habboon.