Milkiile waa isku xiraha bulshada waana mareegto lagu xayeysiisto alaabaha iyo hantida sidaas awgeed alaabaha ku jira Milkiile ma ahan kuwa aan anagu leenahay ama aynu hayno ee waa kuwo ay hayaan dadka soo geliyay oo kaliya. Hadaba sideed u iibsan kartaa alaabha aad ka hesho Milkiile:-
Marka hore la xiriir iibiyaha
Kala xiriir iibiyaha qaybta wada hadalka Milkiile si kor loogu qaado amnigaaga. Isbarbar dhig qiimaha iibiyaasha oo dooro midka kuugu dhow uguna wanaagsan qiimaha iyo tayada.
Kula balan meel kugu habboon
Haddii iibiyuhu uusan lahayn goob ganacsi oo aad ugu tagi karto, fadlan kula balan goob kugu habboon oo dad badan joogaan is aad alaabta uga iibsado. Weligaa hala kulmin iibiyaha xili habeen ah.
Bixi lacagta
Haddii aad ku qanacdo alaabta udir lacagta iibiyaha sidaasna uga qaado alaabta. Halkaan ka akhriso tilmaamaha amniga . Fadlan weligaa wax lacag hormaris ah ka dhiibin.
Muhiim: Fadlan la soco Milkiile wax khidmad ah kuma lahan alaabaha lagu iibiyo mareegtada, masuulna kama ahan wixii dhaco, sidaas awgeed fadlan is ilaali oo taxadar. Haddii wax dhacaan fadlan la wadaag laamaha amniga sidoo kale nala soo wadaag si aan dhankeenu u qaadno tilaabooyinka nagu habboon.