Waxaa jiro alaabo aan la ogolayn in lagu xayeysiiyo Milkiile.com
Hubka nuucyadiisa kala duwan: Qoray, baskoolad, bunbooyinka nuucyadooda kala duwan, xabadaha iyo waxkasta oo xabad laga ridi karo, qalabka hubka iyo wax kasta oo hubka ama waxyaabaha qarxa laga sameeyo. Wax kasta oo dhaawici karo ama dili karo dadka (mindi, seef, waran iwm).Mindiyaha loo isticmaalo jikada waa lagu xayeysiin karaa Milkiile.com. Sidoo kale hubka aan runta ahayn ee boombalaha ah waa lagu xayeysiin karaa milkiile.com. Waxyaabaha dabka dhaliyo ee aan sharciyan la ogolayn in la iibiyo laguma xayeysiin karo Milkiile.
Wax la soo dhacay ama meel laga helay: Dhammaan alaabaha la soo dhacay iyo kuwa meelaha laga helay laguma shaacin karo Milkiile. Sidoo kale qofkii lagu helo inuu soo geliyay alaab la soo dhacay akoonkiisa waa la xiri doanna.
Uniformka rasmiga ah: Dharka ciidanka nuucayadiisa kala duwan.
Jirka dadka: Dhiiga dadka, xubnaha dadka iyo wax kasta oo la xiriiro jirka dadka laguma xayeysiin karo Milkiile.com
Xayawaanada duur joogta ah: Libaax, Maroodi, deero, dooli iyo dhammaan nuucyada kala duran ee xayawanaada duur joogtada ah laguma xayaysiin karo Milkiile.com.
Dharka gudaha laga gashto ee celiska ah: Nigis, Buumo rajebeeto goono, macawis iyo nuucyada kala duwan ee dharka hoos laga gashto.
Daawooyinka: Dhammaan daawooyinka u baahan in dhakhtar qoro isticmaalkeeda laguma xayeysiin karo milkiile.com.
Ciyaaraha khamaarka: Tigidka khamaarta, makiinadaha khamaarka iyo waxkasta oo la xiriira khamaarka
Protein la isticmaalay: Protein-ka nuucyadiisa kala duwan oo horay loo isticmaalay celis ahaan Milkiile laguma xayeysiin karo.
Filimada anshax xumada: Buugaagta, alaabta loo isticmaalo galmada, CD / DVD filimada anshax xumada ah iyo wax kasta oo la xiriiro galmada.
Maandooriyaasha: Khamro, Xashiish, Qaad, sigaar,tubaako, daawooyinka laysku duro iyo waxkasta oo maandooriye ah ama aan sharciyan la ogolayn.
Alaabta la isku qurxiyo: Kareemyada la isticmaalay ama la furay, make-up la isticmaalay ama la furay iyo dhammaan alaabta la isku qurxiyo ee horay loo isticmaalay.
Ogaysiis: Nuuc kasta oo ogaysiis ah laguma shaacin doono Milkiile.
Kuwa kale
- Nuuc kasta oo dukumiinti ah
- Tigidh iyo wixii la mid ah
- Taargada gaadiidka
- shahaadooyinka
- xogta dadka kale