Qodobada hoose waxay khuseeyaan dhammaan macaamiisha xayeysiinta soo gelin doonto milkiile. Macmiilka xayeysiin soo geliso Milkiile waxaa loo qaadan doonaa inuu aqbalay shuruudaha hoose iyo shuruucda isticmaalka adeega.
Qodobada ay tahay in laga taxadaro.
- Alaabta ama hantida aad xayeysiinayso waa inaad adigu leedahay ama fasax u haysato.
- Waa in macmiilku aqbalo inuusan samaynin dhaqamada mamnuuca ah.
- Alaabaha mamnuuca ah laguma shaacin karo Milkiile. Alaabaha mamnuuca ah waxaad liiskooda ka heli kartaa boggaan.
- Waa in xayeysiinta lagu qoro luuqadda Af-Soomaaliga.
- Waa in xayeysiinta laga soo geliyo qaybta (category) ku habboon.
- Ciwaanka xayeysiintu waa inuu yahay mid la fahmi karo oo quseeyo xayeysiinta.
- Waa in sawirada xayeysiintu yihiin kuwa quseeyo xayeysiinta oo meel iftiin leh lagu qaaday, si fiicanna loogu jeedo. Sawiradu waa inay si fiican u muujinayaan xaaladda alaabta la xayeysiinaayo.
- Sawirada korkooda logo (summad), nambar telefoon, email, website, lacag, erayo xayaysiin, ciwaan (address), qiimo dhimis iwm laguma qori karo, xayaysiimaha lagu qoro lama shaacin doono.
- Marka aad soo gelinayso alaabta celiska ah waa inaad isticmaasho sawiro aad adigu qaaday oo aadan isticmaalin sawiro la qaaday xilligii ay cusbaayeen. Alaabta la cusboonaysiiyay ee warshadda ka timid, sawiro cusub waa la isticmaali karaa laakiin waa in ciwaanka iyo sharaxaadda lagu caddeeyo in la soo cusbooneysiiyay.
- Qaybta fahfaahinta waa inaan lagu darin Link iidheh ah ama suuq kale laga soo qaaday
- Qaybta fahfaahinta waa inaan lagu qorin wax nambar telefoon ah
- Waa in qiimuhu yahay mid saxan oo macaamiisha aan la weydiin qiimo ka sarreeyo midka lagu qoray xayeysiinta. Qiimo tusaale ah xayeysiinta laguma qori karo. qiimaha xili kasta waad bedeli kartaa.
- Xogta kale ee xayaysiinta sida xaaladda alaabta, midabka, shirkadda soo saartay, astaamaha kale ee muhiimka ah waa in si sax ah loo geliyo.
- Waa inaan la isticmaalin sawiro horay macmiil kale u isticmaalay.
- Halkii shayba hal xayeysiin ayaa la soo gelin karaa oo hal shay halmar ka badan lama soo gelin karo. Tusaale xayeysiin baabuur ayaad soo gelisay, mar kale isla baabuurkii sooma gelin kartıd. Haddii aad u baahan tahay xayeysiintii hore ee baabuurka ayaad dib usoo shaacin kartaa adiga oo aan hadda iyo kow soo gelin. Haddii la ogaado inaad halmar ka badan hal shay soo gelisay waa la tirtiri doonaa.
- Xayeysiin horay loo soo geliyay inta la tirtiro mar kale isla xayeysiintii lama soo gelin karo.
- Labo shey oo kala duwan hal meel laguma xayeysiin karo. Tusaale Computer iyo Mobile hal meel laguma wada xayaysiin karo laakiin waxaa hal meel lagu wada xayaysiin karaa wixii isku model ama isku nooc ah sida alaabaha yar-yar, dharka, kabaha iyo waxkasta oo lacagtoodu ka yar tahay 20 dollar.
- Xayeysiin kasta waa in sawiro gaar ah loo isticmaalo. Sawiro horay hayeysiin kale loogu isticmaalay xayeysiin cusub laguma soo gelin karo.
- Haddii aad soo gelinayso hanti ama gaadiid waa inaad doorato dhammaan astaamaha uu leeyahay si macaamiishu u ogaato faa’iidada ay ka heli karaan hanti da ama gaadiidka.
- Haddii aad doonayso inaad hal hanti iib ahaan iyo kiro ahaan u soo geliso, waa inaad xayeysiin kiro ah iyo xayeysiin iib ah soo kala geliso oo hal xayeysiin kiro iyo iib kuma muujin kartıd.
- Qaybta fahfaahinta wax link (URL) ah laguma dari karo.
- Erayo muujinaayo takoor ama meel uga dhici karo sharafta qofka laguma dari karo xayeysiinta.
- Xayeysiimaha la iibiyay ama la kireeyay waa in portalka laga saaro ayada oo loo calaamadaynayo "waa la iibiyay" ama "Waa la kireeyay". Markasta oo aad xayeysiin u calaamayso in la iibiyay ama la kireeyay waxaad heli doontaa Credit lacag la'aan ah.
- Alaab ama hanti dalka dibaddiisa taalo oo aan dalka oolin laguma xayaysiin karo Milkiile.
- Macmiilku waxa uu aqbalay in Milkiile tirtiri karo ama diidi karo xayeysiimaha ka hor imaanaayo shuruucda mareegtada.
Fadlan sidoo kale akhri
Alaabaha aan lagu xayeysiin karin Milkiile