Hadafkeena ugu weyn waa inaan ka shaqayno sidii macmiilku ku heli lahaa khibrad wanaagsan iyo inuu dareemo ammaan inta uu portalka isticmaalayo.
Nidaamkaan Sir dhowrka waxa uu kaabayaa shuruucda isticmaalka adeega oo waxa uu sharxayaa noocyada xogta shakhsiyadeed ee Bycent Technology Inc, iyo la-hawlgalayaasheedu (loogu yeeri doono "Milkiile") aruurin doonaan, qaabka loo isticmaali doono iyo habka loo faafin doono xogta gaar ah ee macmiilka inta uu isticmaalaayo mareegta , Mobile Appka ama adeegyada kale ee hoos yimaado (loogu yeeri doono "Adeegyada") iyo qaabka xogta loo xifdin doono.
1. Macluumaadka aan ururino
Waxaa laga yaabaa inaan aruurino oo aan ka helno macluumaadka xaaladaha soo socda:
- Marka aad koonto ka furanayso mareegtada ama Mobile Appka.
- Marka aad xayeysiin soo geliso ama la xiriirto macaamiisha kale
- Marka aad soodirto xogta lagu xaqiijinaayo jiritaankaada
- Marka aad nala soo xiriirto tusaale aad telefooni iimayl ama qaabka kale fariin inoogu soodirto
- Marka aad ka qayb qaadato olole ama xayeysiin aan soo gudbinay
- Marka aad nagala soo xiriirto aaladaha kala duwan ee Social Media
Ma ahan wax waajib ah inaad na siiso macluumaadkaaga laakiin haddii aad doorato inaadan nala wadaagin macluumaadkaaga ama aad la noqoto oggolaanshahaaga si aan u helno macluumaadka, waxaa laga yaabaa inaanan awoodin inaan isticmaasho qaybo ka mid ah adeegyadayadeena.
Macluumaadka aan aruurin karno waxaa ka mid ah kuwa soo socda:
- Macluumaadka profile sida magaca oo saddexan, nooca jinsiyadda, lambarka telefoonka, xiliga dhalashada, raqamka ID, Sawir iyo ciwaanka.
- Xogta bangigaaga marka aad lacagta soodireyso sida magaca bangiga iyo lambar koontada
- Xogta aad is dhaafsateen macaamiisha kale inta aad adeega isticmaleyseen
- iyo macluumaad kasta oo aad soo gudbiso inta aad adeega isticmaalayso
2. Sida aan u isticmaalno xogtaada
Waxaanu u isticmaalnaa macluumaadka aanu ururinay si aanu u horumarino, u wanaajino adeegyadayada, iyo ujeedooyinka kale ee ganacsi ee loo baahan yahay. Iimaylkaaga waxaanu u isticmaalnaa si aanu kugula soo xidhiidhno, kugula soo socodsiino dhaqdhaqaaqa akoonkaaga, kuugu soo gudbinno adeegyada cusub iyo mawduucyada kale ee aanu rumaysanahay inaad xiiseyn doonto.
Dukumiintiyada aad nala wadaagto xiliga aad xaqiijinayso akoonkaada kaliya waxaan u isticmaalnaa inaan hubino jiritaankaada iyo inaan ka hortagno khiyaanoolayaasha iyo falalka xun ee dhici karo, lamana wadaagno qof kale marka laga reebo inaan la wadaagno hay'adaha sharciga ah haddii ay sifo sharci ah ku soo dalbadaan.
3. Sida aan u faafinno xogtaada
Waxaa laga yaabaa inaan xogtaada la wadaagno shirkadaha iyo hay'adaha aan hawlwadaaga nahay ee qabto adeegyada lagu hormarinaayo mareegtada iyo Mobile Appka sida hay'adaha amniga, shirkadaha tiknolojiga, bangiyada, kuwa qaabilsan dayactirka xogta iyo shirkadaha kaydinta xogta. Milkiile kaliya sifo sharci ah ayuu ku bixin doonaa xogtaada oo xogtaada qarsoon iyo midda muuqata lama wadaagi doono qof saddexaad.
Intaa waxaa dheer, fadlan ogow in aanaan mas'uul ka ahayn xogta shakhsi ahaaneed ee aad doorato inaad ku soo gudbiso boggaga iyo macluumaadka ay heli karaan dadweynaha guud, tusaale sawirka profile-kaaga, xogta muuqata ee profile kaaga sida xayeysiimahaaga, lambarka telefoonkaaga iyo ciwaankaaga.
4. Haysashada iyo wax ka bedelka xogtaada
Xili kasta waad daalacan kartaa xogtaada ku jirta portalkeena oo xiligii aad doonto wax waad ka bedeli kartaa waadna ku dari kartaa. Intaa waxaa dheer inaad xiligii aad doonto aad xiri karo akoonkaada.
La soco haddii aad akoonkaada iska xirto, muddo 1 sano ah akoon kale ma furan kartid. Sidoo kale xayeysiimaha socda ee aan waqtigoodu dhammaan waa la joojin doonaa wax lacag celis ahna laguuma samayn doono.
5. Xifdinta iyo amniga xogta
Milkiile waxa uu la shaqeeyaa shirkadaha ku taqasusay amniga iyo keydinta xogta ayada oo samayso wax kasta oo saro loogu qaadi karo ilaalinta xogta macaamiisha loogana hortagi karo gelitaanada aan la ogolayn, siidaynta, beddelka, ama burburinta xogta macaamiisha.
Internet, iimayl, iyo xogta layskugu gudbiyo qaab elektaroonigga ah waligeed si buuxda looma odhan karo waa ammaan ama khaladaad ayuu ka dhan yahay laakiin waxaa jiro tilaabooyin la qaado si looga hortago falalka dhici karo, sidaas awgeed adiga oo taas maskaxda ku haayo fadlan iska jir xogta aad nala wadaagayso ama macaamiisha kale udirayso.
6. Wareejinta Xogta Caalamiga ah
Xarunteena dhexe waa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, taas oo u dhiganta in xogtaada loo wareejin doono laguna keydin doono dalka Turkiga sidaas awgeed haddii aad isticmaasho adeegeena waxaad aqbashay in xogtaada lagu keydin karo dalka dibaddiisa ayada oo la raacaayo habka ugu haboon.
7. Waxka bedelka shuruucda xogta gaarka ah
Milkiile waxa uu xaq u leeyahay inuu wax ka bedelo shuruucda heshiiskaan asaga oo aan kala tashan macmiilka kuna shaaciyo boggaan. Haddii Milkiile u arko inay tahay in macmiilka lagu war geliyo isbedelka lagu sameeyay heshiiska, email ahaan ayaan fariin arintaan lagu qeexaayo kuugu soodiri doonnaa.
8. Nala soo xiriir
Wixii fahfaahin dheeraad ah ama wixii su'aal ah ee la xiriiro heshiiskaan iimeylkaan inoogu soodir support@milkiile.com.