Qofkasta waa uu jecel yahay dhaqanka wanaagsan oo diinteena ayaa na faraysa, ka Milkiile ahaan waxaan soo dhaweyneynaa dhammaan dhaqamada wanaagsan, sidoo kale waxaan halkaan ku caddeynaynaa inaanan iska dhego tiri doonin dhammaan dhaqamada xun iyo waxkasta oo dhib u keeni karo macaamiisheena.
Milkiile laguma xayeysiin karo
- Wax kasta oo ka hor imaanaayo diinteena suuban, dhaqankeena iyo sharciga dalka
- Wax kasta oo wax yello u keeni karo ama dhaawici karo sharafta Milkiile
- Wax kasta oo xad gudub ku ah shakhsi ama shirkad
- Wax kasta oo khatar ku ah deegaanka iyo bulshada
Haddii aad isticmaasho Milkiile waxaad ogolaatay inaadan ku lug yeelan doonin dhaqamada la mamnuucay ee soo socda:-
- U isticmaalka adeegeena u jeeddo kasta oo sharci darro ah ama ku xad gudbidda sharciga ama ku dhiiro gelinta dadka kale inay ku xad gudbaan iyo ku takri-falka xuuqda dadka kale.
- Shaacinta xogta dadka kale, isticmaalista wax kasta oo qof kale sumcad dil ku ah, been abuur ah ama aan sax ahayn, sharaf-darro ah, anshax-darro ah, dhibaatayn, hanjabaad, ceebayn, nacayb, weerar iyo waxkasta oo aan habboonayn.
- Inaad adeegeena u isticmaasho inaad ku dhacdo ama ku khiyaanto dadka kale
- Inaad ka been abuurto xogtaada sida dhalashada, da'da, raqamka ID-ga iyo xogta kale ee aad nala wadaagtay.
- Inaad dadka ka dalbato inay lacagta kuu soodiraan adiga oo aan tusin ama siinin alaabta ama hantida aad soo gelisay Milkiile.com
- Inaad weydiisato macaamiisha qiimo ka sarreeyo qiimaha ka muuqda xayeysiintaada
- Inaad ka been sheegto xogta alaabta ama hantida aad soo gelisay
- Inaad samayasato hal akoon ka badan
- Inaad mar kale soo geliso shay aad horay usoo gelisay.
- Inaad xog khaldan akoon ku furato
- Inaad soo geliso alaabaha la mamnuucay
- Inaad soo geliso shay aan iib ama kiro ahayn
- Inaad soo geliso alaab ama hanti aad doonayso inaad dad gaar ah ka iibiso ama ka kireyso
- Inaad xayeysiimaha la xiriiro hantida ma guuraanka ah iyo gaadiidka aad u isticmaasho sawiro aadan adigu qaadin oo aad meel kale kala soo degtay.
- Inaad ku isticmaasho xayeysiintaada sawiro aadan lahayn ama aadan fasax ka haysan qofkii lahaa
- In marka aad soo gelinayso alaabta celiska ah aad isticmaasho sawiradii markii ay cusbaayeen oo aadan soo gelin sawiro muujinaayo xaaladdooda.
- Inaad isticmaasho fahfaahinta alaab ama hanti qof kale horay u isticmaalay
- Inaad qayb(category) khaldan xayeysiintaada soo geliso
- Inaad ka been sheegto shirkadda soo saartay alaabta aad xayeysiinayso, muddada la isticmaalay, xiliga aad soo iibsatay iwm.
- Inaadan si fiican u fahfaahin alaabta iyo hantida aad soo gelisay
- In xayeysiinta aad soo gelisay ciwaankeeda, sawiradeeda iyo fahfaahinteedu kala duwanaadaan