Shuruucda Isticmaalka
Fadlan inta aadan isticmaalin adeegyadeena akhriso shuruucda heshiiskaan ku qoran oo ah heshiis u dhexeeyo adiga iyo shirkaddeena. Waxaad heshiiskaan ka ogaan doontaa xuquuqda aad leedahay iyo waajibaadka ku saaran inta aad isticmaalayso portalkeena iyo adeegyada la xiriira.
Dhinacyada
Heshiiskaan shuruucda isticmaalka Milkiile.com waxa uu u dhexeeyaa shirkadda “Bycent Technology Inc.” (loogu yeeri doono “Milkiile”) iyo macaamiilka (loogu yeeri doono “macmiil”) oo isticmaali doono ama xogtiisa soo gelin doono www.milkiile.com si uu uga faa’iideyso adeegyada lagu soo bandhigo portal-ka. Macmiilka isticmaalaya portalkeena waxaa loo arkaa inuu ogolaaday ku dhaqmidda xeerarka lagu qeexay heshiiskan ('Heshiiska').
Milkiile waxa uu xaq u leeyahay inuu wax ka bedelo shuruucda heshiiskaan asaga oo aan kala tashan macmiilka kuna shaaciyo boggaan. Haddii Milkiile u arko inay tahay in macmiilka lagu war geliyo isbedelka lagu sameeyay heshiiska, email ahaan ayaan kula socod siin doonnaa macaamiisha.
Haddii macmiilku uu sii wado isticmaalka portalka ama adeegyada kale ee uu bixiyo Milkiile ka dib taariikhda wax ka beddelka uu dhaqan galo, macmiilka waxaa loo arki doonaa inuu oggolaaday heshiiska la cusbooneysiiyay. Haddii ay dhacdo in macmiilku aanu oggolaanin wax-ka-beddelka heshiiska, macmiilku waa inuusan sii wadin isticmaalka portalka iyo adeegyada hoos yimaada.
Eray bixin
Portal: Erayga “portal” waxaa laga jeedaa mareegtada www.milkiile.com iyo Mobile Appka iyo dhammaan adeegyada hoos yimaada.
Macmiil: Waa qofka isticmaalaya portal-ka.
Milkiilaha akoonka: Waa qofka akoon ka furto portalka asaga oo aqbalaayo dhammaan shuruudaha xogta gaarka ah.
Akoonka shaqsiga ah: Waa akoonka qof shaksi ah uu ka furto portalka.
Akoon Ganacsi: Waa akoonka qaab ganacsi ahaaneed looga furto portalka.
Adeega Mikiile.com
- Milkiile.com waa suuq isku keeno iibiyaha iyo iibsadaha oo shakhsi iyo shirkad labaduba wax ku xayeysiisan karaan. Milkiile ma ahan dalaalle u dhexeeyo dhinacyada wax kala iibsanaayo ee ayaga ayaa isku madax banaan oo milkiile wax lacag khidmad ah kama qaato labada dhinac midkood. Sidaas awgeed, alaabaha iyo hantida lagu xayeysiiso Milkiile ma ahan kuwa aan anagu hayno ee waa kuwo ay hayaan dadka soo geliyay xayeysiinta, qofkii u baahan ayaga ayuu kala xiriiri karaa. Iibsadayaasha ayaa gebi ahaanba ka masuul ah waxa ay iibsanayaan.
- Milkiile wuxuu fududeeyaa in xayeysiinta macaamiishu soo geliso portalka ay gaarto macaamisha danaynaysa.
Haddii aad isticmaasho adeegyadeena waxay u dhigantaa inaad aqbashay
Isticmaalka Adeega
- Si aad u isticmaasho adeegyadeena waa in da’daadu ka weyn tahay 15 sano. Haddii dib laga ogaado in da’daadu ka yar tahay 15 sano akoonkaada in la xiro ayaa laga yaabaa.
- Haddii qof aan adiga ahayn uu isticmaalo akoonkaaga adiga ayaa ka masuul ah wixii khalad ah ee uu qofkaasi galo.
- Si aad u isticmaasho adeegyadeena waa inaadan ahayn qof horay looga mamnuucay ama looga xayiray isticmaalka adeegyada Milkiile.com.
- Haddii aad isticmaasho adeegyadeena waxay u dhigantaa inaad aqbashay inaadan u isticmaali doonin portalkeena inaad jebiso sharciga dalka iyo shuruucda portalkeena. Uma isticmaali kartıd Milkiile inaad ku dhacdo dadka kale oo aad ku dhibaatayso macaamiisha. Haddii maaamiisha kale soo gudbiyaan dacwo ka dhan akoonkaada oo lagugu helo eedeynta laguu soo jeediyay, akoonkaaga waa la xayiri doonaa ama gebi ahaanba waa xiri doonaa.
- Dambiyada uu macmiilku galo iyo natiijo kasta oo ka dhalan karto wax kasta oo sharciga ka hor imaanaayo ee uu sameeyo inta uu isticmaalaayo portalka wax masuuliyad ah kama saarna Milkiile oo masuuliyadda waxaa qaadan doono macmiilka.
- Macmiilka ayaa ka masuul ah saxnimada macluumaadka xayeysiimaha iyo xog kasta oo macmiilku ku faafiyo portalka, oo Milkiile ma damaanad qaadi doono saxnimada xogta lagu faafiyo portalka, sidoo kaleoo Milkiile waxa uu halkaan ku cadaynayaa in khasaaraha ka dhasha xayeysiimaha lagu shaaciyay portalka aan loo raacan karin uusanna bixin doonin wax magdhow ah.
- Ha isku deyin inaad dhibaato u geysato portalkeena qaab kasta iyo xili kasta.
- Haddii aad aragto ficil khaldan, xog khaldan, been abuur ah ama lagu maran habaabinayo macaamiisha kale ama aad isleedahay shacabka ayuu dhibaato u keeni karaa fadlan nala soo wadaag si aan tilaabo uga qaadno.
- Macmiilku waxa uu aqbalay in xogta ku jirta portalka sida qoraalada, sawirada, fiidiyowyada, dukumiintiyada iyo kuwa kale inuusan badin karin, faafin karin, iibin karin, ka ganacsan karin ama si sharciga ka baxsan u isticmaali doonin.
- Macmiilku waxa uu halkaan ku aqbalay inuusan samayn doonin wax sharafta macaamiisha kale wax u dhibi karo, meel uga dhici karo, takoori karo, cunsuriyad jinsiyadeed, diineed, qabiil (ama meesha uu ka soo jeedo), midab, aragti siyaasadeed, luuqad, hantidiisa iyo wixii la mid ah.
- Haddii laga dalbado macmiilka waa in uu keeni karo dukumiinti muujinaayo inuu leeyahay ama uu masuul ka yahay ama uu fasax u haysto alaabta ama hantida uu soo geliyay Milkiile.
- Lama ogola inaad qariso ama bedesho astaanta alaabta aad xayeysiinayso si aad u jebiso shuruucda alaabaha aan la ogolayn ama aad usoo geliso alaab aadan lahayn xuquuqdeeda.
- Lama ogola lamana aqbali doono inaad u isticmaasho adeegyadeena qaab ka baxsan wixii loo sameeyay.
- Uma isticmaali kartid portalkeena inaad ku xayeysiiso adeeg la mid ah ama u eg kuwa Milkiile u qabto macaamiishiisa.
- Uma isticmaali kartıd portalka inaad ku soo gudbiso, xog khaldan, been abuur ah, caay, handadaad, aflagaado, khiyaano, fisqi, anshax xumo ama xad gudub ku ah dad kale.
- Sooma gelin kartid portalka macluumaad Virus wata iyo ay ku jiraan xog aan wanaagsan oo dhib u keeni karto portalka iyo macaamiisha.
- Lama ogola inaad ku dhiiro geliso macmiisha kale inay sameeyan ficil aan wanaagsan.
Koontada
Macmiilku waa inuu akoon ka furto portalkeena haddii uu doonaayo inuu wax ku iibiyo ama ka iibsado ama uu doonaayo inuu xiriir la sameeyo macaamiisha kale. Haddii macmiilku jebiyo shuruucdeena ama la ogaado inuu akoonka ku furtay xog khaldan ama haddii laga dalbado uu diido inuu soo gudbiyo dukumiintiga laga albaday si loo hubiyo akoonkiisa waxa ay sababi kartaa in la xayiro ama gebi ahaanba la xiro akoonkiisa.
Shuruucda akoon furashada
Waxaa portalka akoon ka furan kara oo kaliya dadka qaan gaarka ah oo da’doodu ka weyn tahay 15 sano. Sidoo kale waa in qofka akoonka furanaayo uusan ahayn qof horay akoonkiisa loo xayiray ama looga xiray.
Qofkii la ogaado inuu email kale akoon cusub ku samaystay asaga oo horay akoonkiisa looga xayiray ama looga xiray, akoonkiisa cusub waa laga xiri doonaa.
Shuruucda kale ee akoon furashada
- Waa in macmiilku akoonka ku furto xogtiisa saxda ah oo haddii loo baahdo la hubin karo saxnimada xogta macmiilka.
- Waa in macmiilku uusan samaysan hal akoon ka badan
- Waa in macmiilku uu san akoonka u furan inuu ku dhibaateeyo dad kale ama ku sameeyo ficilo sharciga ka baxsan.
- Macmiilka ayaa ka masuul ah xayeysiimaha iyo dhaq-dhaqaaqa akoonkiisa ka dhaca.
- Macmiilka ayay masuuliyadi ka saran tahay inuu xifdiyo xogta akoonkiisa oo meel amni ah ku kaydsado, sidoo kale waa inuusan xogtiisa la wadaagin qof kale.
- Akoonkaaga qof kale kulama isticmaali karo haddii ay dhacdana wixii ka yimaado adiga ayaa ka masuul ah.
Wax soo gelinta
Alaabtaada iyo hantidaada ayaad ku xayeysiisan kartaa Milkiile adiga oo ka faa’iideysanaayo adeega lacag la’aanta ah weliba adiga oo aan dhiibin wax lacag khidmad ah. Waa inaad iska hubiso inaadan soo gelin alaabta aan la ogolayn ama aad ku kacdo dhaqamada mamnuuca ah.
Haddii aad isku fahantaan iibsadaha lacagta badeecada aad iibinayso waxaad iibsadaha u diri kartaa ciwaanka goobta aad ku kulmi doontaan, waa haddii aadan lahayn goob ganacsi oo laguugu yimaado. Qaabka lacagta aad ku kala qaadanaysaan waa mid ay tahay inaad ku heshiisaan adiga iyo iibsadaha oo Milkiile qayb kama ahan iibsiga mana bixinaayo damaanad ku sababsan lacag soo celin ama alaab celinta haddii wax dhacaan. Mar haddii Milkiile uusan lug ku lahayn kala iibsiga nuucaan ah masuul kama ahan mana lagu qabsan karo masuuliyadda wixii khalad ah ee dhaco.
Lacagaha adeega
Isticmaalka Milkiile waa 100% lacag la’aan, xili kasta iyo meel kasta waad ku isticmaali kartaa. Milkiile labo qaab midkood ayaad wax ku soo gelin kartaa. Qaab lacag la’aan ah iyo qaab lacag ah.
Milkiile waxa uu macmiilka siin doonaa Credit lacag la’aan ah oo bil kasta la siin doono kaas oo u sahli doono macmiilka inuu qaab lacag la’aan ah xayeysiin ku soo geliso portalka. Sidoo kale waxaa jiro qaab lacag ah oo haddii uu kaa dhammaado Credit-ka lacag la’aanta ah ee lagu siiyay oo aad doonayso inaad xayeysiin kale soo geliso aad iibsan karto.
Sidoo kale macmiilku waa inuu Credit cusub iibsado si uu kor ugu qaado xayeysiimihiisa oo dad badan u gaarsiiyo. Dhammaan Credit-yada laga iibsado portalka celis malahan oo macmiilku waa inuu aqbalo inaan loo celin doonin haddii uu isticmaalo ama uusan isticmaalin intaba MARKA LAGA REEBO İNAAD XİRTO AKOONKAADA OO AAD AQBASHO INAADAN AKOON KALE FURAN KARIN MUDDO HAL SANO AH.
Sidoo kale Credit kasta oo la iibsado waxa uu ku dhici doonaa muddo 365 maalin ah. Macmiilku Credit kasta oo uu iibsado waa inuu muddadaas gudaheeda ku isticmaalo. Credit-ka dhacay ee aan la isticaalin dib looma soo celin karo.
Halkaan ka akhriso qaabka aad Credit ku iibsan karto.
Xaqiijinta Shaksiyadda
Milkiile waxa uu leeyahay adeega hubinta macaamiisha oo loogu talo galay in kor loogu qaado amaanka portalka laguna yareeyo falalka dhici karo. Macmiilka soo gudbiya xogtiisa ee la xaqiijiyo shakhsiyaddiisa ama jiritaanka shirkaddiisa waxaa la siin doonaa astaanta calaamadda buluuga ah oo macaamiisha kale ogaan doonaan in qofkaan ama shirkaddaan tahay mid sax ah.
MACAAMISHA LA SIIYO ASTAAN CALAAMADDA BULUUGA AH KALIYA WAXAY U DHIGANTAA IN AY SOO GUDBIYEEN DUKUMIINTI MUUJINAYA INAY AYAGA YIHIIN LAAKIIN KAMA DHIGNA INAAN SAMAYNAY DAMBI BAARIS AMA AAN EEGNAY FICILADDIISII HORE.