Ma haysataa alaab tayo leh, Milkiile waxa uu kuu hayaa macaamiil u diyaar ah inay kaa iibsadaan. Hadaba aan eegno tilaabooyinka ay tahay inaad marto si aad degdeg natiijo ugu hesho.
- Soo geli sawiro tayo leh: Inaad soo geliso sawiro aad qaaday oo muujinaayo xaaladda waxa aad xayeysiinayso waxay sababi doontaa inaad hesho macaamiil badan oo aad degdeg ku gaarto hadafkaaga. Ugu yaraan soo geli 5 sawir oo gees waliba ka sawir si macaamiishu u aragto dhinacyada oo dhan.
- Soo geli alaab tayo leh: Haddii aad xayeysiinayso alaab celis ah waa inay tahay mid aan aad loo isticmaalin oo la sii isticmaali karo. Si fiican ugu sharax macaamiisha tayada alaabta aad iibinayso iyo muddada aad isticmaalaysay. Haddii aad iibinayso alaab cusub weligaa iibi alaab tayo leh oo sababi karo in macmiilku mar kale alaab kaa iibsado.
- Geli qiimo macquul ah: Qiimuhu waa shayga ugu muhiimsan ee ay eegaan macaamiishu sidaas awgeed waa inaad qorto qiimo macquul ah adiga oo aan hilmaamaynin inay jiri karaan dad kale oo ayagana iibinaaya alaabtaada oo kale. Sidaas awgeed marka hore samee baaris wanaagsan adiga oo eegaayo qiimaha alaabta horay loo soo geliyay Milkiile ee la mid ka ah kuwaaga.
- Qor ciwaan soo jiidasho leh: Waa in ciwaanka xayaysiintu uu yahay mid la soo koobay oo ka turjumaayo xayaysiinta. Qofka ciwaanka akhriyo waa inuu toos u fahmi karo xayaysiintaan waxa ay ku sababsan tahay.
- Geli fahfaahin kooban: Fahfaahintu waa inay tahay mid qeexeysa waxa aad xayaysiinayso oo macaamiishu ka heli karaan dhammaan xogta ay u baahan yihiin. Waa inay ku caddahay waxa shayga aad xayaysiinayso uu ku fiican yahay ama uu ku xun yahay adiga oo aan qarin xaqiiqda.
- Kor u qaad xayeysiintaada: Si dad badan u arkaan oo aad macaamiil badan u hesho kor u qaad xayeysiintaada adiga oo dooranaayo qaabka kugu habboon. Inaad xayeysiintaada kor u qaaddo waxay sababi doontaa in kumanaanka xayeysiin ee ku jira mareegtada ayka saro marto oo aad horay macmiil ka hesho.
- Horay uga jawaab fariimaha: Haddii macmiil kaala soo hadlo qaybta wada hadalka fadlan degdeg ugu jawaab haddii aad ka daahdo waxaa dhici karto inuu dukaan kale ka iibsado.
- Sii faafi xayeysiintaada: Kadib marka aad samayso tilaabooyinka sare ku sii faafi Linkiga xayeysiintaada bogga aad ku leedahay baraha bulshada, Whatsapp, Telegram iyo dhammaan goobaha kale ee aad xubinta ka tahay.