Milkiile waa suuq aad ku xayeysiisan karto alaabtaada iyo hatidaada weliba qaab lacag la'aan. Waxaad si fudud wax uga iibin kartaa dadka aad isku magaalada degan tihiin. Haddii aad doonayso inaad wax ku iibiso Milkiile fadlan tilaabooyinkaan hoose raac:
1. La soo deg Appka Milkiile
Kala soo degdeg Appka Milkiile Apple Store iyo Google Play Store si aad degdeg wax ugu iibiso ugana iibsatid. Iska diiwaan geli adiga oo dooranaayo akoonka kugu habboon sida shakhsi iyo ganacsi hadba midka aad tahay.
2. Soo geli alaaba tayo leh
Marka hore soo geli alaabtaada cusub iyo kuwa celiska ah ee aadan doonayn inaad isticmaasho adiga oo soo gelinaayo sawiro tayo leh, ciwaan soo jiidasho leh iyo fahfaahin fiican oo sharxayso waxa aad xayaysiinayso. Inaad si fiican u sharaxdo alaabtaada waxay sababi doontaa in macaamiil badan kula soo xiriiraan oo aad degdeg ku iibiso ama ku kireyso.
3. U jawaab macaamiisha kula sooxiriirto
Macaamiisha danaynayso xayeysiintaada ayaa kula soo xiriiri doono ayaga oo kaala soo xiriiri doono qaybta wada hadalka Milkiile ama telefoon ahaan. Soo dhaweey macaamiisha oo kula hadal luuqad wanaagsan adiga oo xog fiican ka siinaayo xayeysiintaada. Inaad qaab wanaagsan kula hadasho macaamiisha waxay sababi doontaa inaad xayeysiintaada horay ka iibiso sidoo kalena aad hesho macaamiil ku xiran dukaankaaga oo mar kasta wax kaa iibsado. Ha hilmaamin raasumaalkaagu waa macaamiishaada, si fiican uga taxadar.
4. Meel fiican ku balami macmiilka
Meel fiican oo kugu habboon oo dad bada ni joogaan ku balami macmiilka si aad lacagta iyo alaabta u kala wareejisataan. Balami macmiilka xiliga maalintii oo weligaa qof hala kulmin xiliga habeenkii.
Haddii aad goob ganacsi leedahay macmiilka ku balami goobtaada ganacsiga si aad ugu wareejiso alaabta. Halkaan ka akhriso tilmaamaha amniga