Milkiile waa isku xiraha bulsha, si aad wax uga iibiso kumanaanka qof ee maalin kasta wax ka iibsata Milkiile, raac tilmaamahaan hoose:
- Dooro kuwa calaamadda buluugaa leh
: Si kor loogu qaado amaanka suuqa laguna badiyo aaminadda macaamiisha Milkiile waxa uu weydiiyaa iibsadayaasha inay xaqiijiyaan akoonkooda ayaga oo soodiri doono dukumiint muujinaya jiritaan kooda. Sidaas awgeed weligaa dooro kuwa la hubiyay oo leh astaanta buluuga ah si haddii wax dhacaan aan wax uga qaban karno oo aan ula wadaagno laamaha amniga.
- Kala hadal qaybta wada hadalka Milkiile: Si qaab amaan ah aad ula hadasho iibsadaha fadlan Markasta ka dalbo inay kaala soo hadlaan qaybta wada hadalka Milkiile. Wax kasta oo aad ku wadahadashaan midkiin ma tiri karo oo cadayn ayay idiin noqon doontaa. Milkiile waxba kama qaban karo wada-hadalada idinku dhex maro banaanka.
- Deji shuruucdaada: Inaa shuruucdaada dejisato oo aad la wadaagto macaamiishaada waxay kuu sahli doontaa inaad ka hor tagto isfahan waayga dhici karo iyo in macaamiishu ogaadaan qaabka aad u shaqayso. Tusaale soo celinta alaabta ceebta leh, qiimo dhimista, bixinta lacagta xamuulka, rakibidda alaabta iwm waa in shuruuc kaaga degan tahay oo macaamiishu ogaadaan inta aysan alaabta kaa iibsan.
- Meel fiican kula kulan: Inaad la kulanto macmiilkaaga waa arin wanaagsan oo kor u qaadayso is-dhexgalka bulshada laakiin inaad la kulanto qof aadan garanaynin dabcan ma sahlana, sidaas awgeed haddii aadan goob ganacsi oo laguugu yimaado aadan lahayn, dooro meel caan ah oo kula kulan goob dad badan joogaan oo iska ilaali inaad weligaa qof habeen la kulanto. Haddaad rabto asxaabtaada horay usii wado si ay kuu caawiyaan.
- Hubi inaad lacagta heshay: Tuugadu waxa ay kuu soodiri karaan dukumiinti muujinaaya inay lacag direen oo been abuur ah si aad u aaminto, laakiin adiga oo aan lacagta bangigaaga ama telefoonkaaga ku arag ha dhiibin alaabta.