Inaad akoon ka furato Milkiile.com aad ayay u fududahay. Si aad degdeg akoon ugu furato la soo deg Appkeena ama boogo mareegtada Milkiile.com.
Inta aadan akoon furan fadlan akhri Shuruucda xuquuqda isticmaalka.
Maxay faa'iido leedahay inaad akoon ka furato milkiile.com?
- Lacag la'aan ayaad xayeysiin ku soo gelin kartaa
- Iibiyaha ayaad la xiriiri kartaa
- Xayeysiimaha aad ka hesho ayaad kaydsan kartaa.
Qaabka aad akoon shakhsi ah uga furan karto mareegtada milkiile
- Geli magacaada iyo Emailkaaga
- Geli raqam sireed awood leh oo ugu yaraan ka kooban 8 xaraf.
- Akoonka ku furo email aad isticmaasho oo aad garanayso raqam sireedkiisa waayo waxaan kuu soodiri doonnaa Koodh lagu hubinaayo emailkaaga.
Sidoo kale la soco waxaad akoonkaaga ku furan kartaa adiga oo isticmaalaayo Google ama Apple ID.
Sida aad akoon shakhsi ah uga furan karto Appka
Si aad u furato akoon shakhsi ah raac tilaabooyinkaan:-
- Booqo Milkiile.com ama Appka
- ku dhufo qaybta "isdiiwaan geli"
- Geli magacaada oo saddexan (u geli sida uu ugu qoran yahay dukumiintigaaga)
- Geli emailkaaga
- Geli raqam sireed cusub (Geli raqam sireed awood leh oo aan la qiyaasi karin)
- ku dhufo "isdiiwaan geli"
- ugu dambeyn geli koodka aan emailkaaga ku soodirnay.
Sidoo kale la soco waxaad akoonkaaga ku furan kartaa adiga oo isticmaalaayo Google ama Apple ID.
Muhiim: La soco ma isticmaali katid email horay loo isticmaalay ama email akoon horay loo xiray ama email akoon horay loo tirtiray. Haddii aad horay u tirtirtay akoonkaadii hore oo aad doonayso inaa mid cusub samaysato fadlan isticmaal email cusub.
Sida aad akoon ganacsi ah ku furan karto
Si aad u furato akoon ganacsi ah raac tilaabooyinkaan:-
- Booqo Milkiile.com ama Appka
- Ku dhufo isdiiwaan geli
- Geli magaca masuulka shirkadda (u geli sida uu ugu qoran yahay dukumiintigaaga)
- Geli emailkaaga rasmiga ah ee shirkadda
- Geli raqam sireed cusub (Geli raqam sireed awood leh oo aan la qiyaasi karin)
- Dooro nuuca shirkaddaada
- Dooro shaqada shirkaddaadu qabato
- Geli magaca shirkadda (sida uu shatiga ugu qoran yahay)
- Dooro magaalada, Degmada iyo xaafadda shirkaddadu ku taallo
- Geli telefoon la idinka kala sooxiriiri karo
- ugu dambeyn geli koodka aan emailkaaga ku soodirnay.
Muhiim: La soco ma isticmaali katid email horay loo isticmaalay ama email akoon horay loo xiray ama email akoon horay loo tirtiray. Haddii aad horay u tirtirtay akoonkaadii hore oo aad doonayso inaa mid cusub samaysato Fadlan isticmaal email cusub.
Samayso Username kugu habboon
Si aad u isticmaasho Milkiile waa inaad go'aansato magaca ay arki doonaan macaamiishu. Haddii aadan dooneyn in macaamiishu aragto magacaada saxda ah Samayso Username kugu habboon oo soo jiidasho leh ayna fududahay in lagu dhawaaqo. Ha hilmaamin magaca macaamiishu u jeedo waa sumcaddaada waxa uuna saameyn ku yeelan karaa ganacsigaaga.