Haddii aad doonayso inaad isku diiwaan geliso magac ganacsi (Brand Name) dibadda laga leeyahay oo aad raacsiiso erayga "Somalia", waa inaad warqad wakiilasho ka haysato shirkadda magaca iska leh. Laakiin haddii aad isku diiwaan geliso magaca oo wax kale raacsan yihiin sida Electronics, Cosmetics, Construction iwm wax wakiilasho ah uma baahnid.
Tusaale: ka soo qaad inaad doonayso inaad diiwaan geliso magaca “Microsoft Somalia”, si laguugu diiwaan geliyo waa inaad shirkadda Microsoft ka haysato warqad cadaynayso inaad Soomaaliya wakiil uga tahay. Halka aad isku diiwaan gelin karto magaca Microsoft Electronics adiga oo aan wax caddeyn ah keenin.
Dukumiintiga loo baahan yahay
- Warqadda wakiilashada
- Shatiga dalka
- Baasaboorka maamulaha ama Milkiilaha
- Warqadda codsiga diiwaan gelinta
Haddii aad soo buuxiso shuruudaha sare, Milkiile akoon waadka furan kartaa.
Fadlan wixii war bixin dheeraad ah nagala soo xiriir support@milkiile.com