Shaksi kasta iyo shirkad kasta waxa ay furan karaan hal akoon. Lama ogola in qof horay Milkiile akoon ugu lahaa uu akoon kale furto.
Sababta aan loo ogolayn ayaa ah in laga hortago khiyaanoolayaasha iyo kuwa niyadda xun ee dhibaateyn karo macaamiisha.
Haddii aad iskaa u xirtay akoonkaadii hore oo aan lagaaga xirin khalad aad gashay awgeed, mar kale akoon cusub waad samaysan kartaa adiga oo isticmaalaayo email iyo lambar telefon cusub.
Muhiim: Email iyo telefoon horay akoon loogu furtay mar kale akoon laguma furan karo.