Haddii aad goob ganacsi leedahay oo aad haysato shati ganacsi oo aad qabato shaqooyinka soo socda midkood akoon waad ka furan kartaa milkiile:-
- Iibinta iyo kireynta hantida ma guuraanka ah
- Iibinta iyo kireynta gaadiidka
- Iibinta qalabka gaadiidka
- Ganacsiga alaabaha nuucyadeeda kala duwan
Haddii aadan kor uga jeedin shaqada aad qabato dhib ma leh nala sooxiriir oo aan eegno qaab aan akoon kuugu furi karno.
Inta aadan akoonka furan waa inaad si fiican uga fiirsato qaybta kugu haboon waayo qaybta aad akoonka ku furato oo kaliya ayaad wax ka soo gelin kartaa.
Tusaale haddii aad furato akoon hantida ma guuraanka ah ma soo gelin kartid gaadiid ama alaab iwm kaliya waxaad soo gelin kartaa wixii la xiriiro guryaha, goobaha shaqada iyo dhulalka.
Haddii aad qayb khaldan dooratay dhib ma leh dib waan ka bedeli karnaa, la sooxiriir qeypta caawinta macaamiisha.
Faa’iidooyinka ay leedahay inaad akoon Ganacsi ah furato
- Lacag la’aan ayaad wax ku soo gelin kartaa
- Inaad si fudud wax ugu xayeysiinsan karto
- Inaad degdeg ku gaarto dad badan
- Shaqaalahaaga waad diiwaan geli kartaa oo akoon gaar ah ayaad u samayn kartaa
Sideen akoon ganacsi ah u furan karaa
Si aad u furato akoon ganacsi ah booqo mareegtada Milkiile.com kadibna ku dhufo akoon Furo kadibna buuxi formka diiwaan gelinta.