Way fududahay inaad raqam sireed cusub hesho haddii aad hilmaamto kaagii hore. Kaliya booqo mareegtada Milkiile ama mobil appka Milkiile → kadibna ku dhufo gal gudaha → kadibna riix “raqam sireedka ayaan hilmaamay” → geli iimeylkaaga → kadibna OK dheh oo eeg iimeylkaaga.
Ku dhufo Link aan kuu soodirnay oo abuuro raqam sireed cusub. Fadlan samayso raqamsireed ay adag tahay in la qiyaaso oo ugu yaraan ka kooban 8 xaraf.
Muhiim: Fadlan raqam sireedkaada hala wadaagin qof kale hadduu rabo ha noqdo shaqaalaheena. La soco Milkiile macaamiisha ma weydiiyo raqam sireedkooda.