Marka aad raqam sireed samaysanayso waa inaad hubiso inuusan ahayn mid aad akoon kale ku isticmaasho ama aan ahayn xiliga dhalashadaada, raqamka telefoonkaaga iwm. Si aad raqam sireed awood leh u samaysato fadlan hubi inuu ka kooban yahay, xaruufta waa wayn, xaruufta yar yar, raqamyo iyo sumadaha (*-/+") waana in ugu yaraan dhirirkiisu yahay 8 god.
Haddii aad bedesho raqam sireedkaada waxaan kuu soodiri doonnaa email sheegaayo in raqam sireedkaaga la bedelay.
Muhiim: Fadlan raqam sireedkaaga hala wadaagin qof kale oo la soco in Milkiile uusan macaamiisha weydiinin raqam sireedkooda.
Ha aaminin qofkii ku dhaho Milkiile ayaa ka soconaa ee raqam sireedkaaga ila wadaag.