Aad ayay u fududahay inaad xayeysiin soo geliso Milkiile. Waxaad ka soo gelin kartaa mareegtada iyo Mobile Appka hadba kii kuu fudud. Si aad degdeg xayeysiin cusub usoo geliso raac tilmaamahaan:-
- Dooro Qaybta (Category) ku haboon xayeysiintaada iska hubi inaad xayeysiintaada soo gelisay qaybta ku haboon waayo dib kama sixi kartıd.
- Soo geli sawirada shayga aad doonayso inaad soo geliso. ugu badnaan 10 sawir ayaad soo gelin kartaa.
- Qor ciwaan ku haboon xayeysiintaada oo soo jiidasho leh
- Qor fahfaahin qurux badan oo si fiican ugu qeex dhammaan astaamaha shayga aad soo gelinayso. Haddii wax cilad ah uu leeyahay ama shuruudo gaar ah ay jiraan fadlan ku qor.
- Dooro astaamaha ku haboon xayeysiintaada
- ugu dambeyn ku dhufo "Diiwaangeli"
Sidaas ayaad xayeysiintaada ku soo gelisay. 6 saac gudaheeda ayaa la shaacin doonaa xayeysiintaada haddii aysan jebinaynin shuruucda isticmaalka iyo shuruudaha kale ee portalka.