Markii aad xayeysiinta abuurto inta aan la shaacin ka hor waxaa eegi doono kooxda amniga oo hubin doona in xayeysiintaadu tahay mid ku habboon shuruucdeena, waxa ayna qaadan kartaa 2 saac illaa iyo 6 saac inta u dhexeysa. Xayeysiimaha ay soo geliyaan shirkadaha waxaa lagu shaacin doonnaa ugu badnaan 2 saac gudaheeda halka kuwa shakhsiyaadku soo geliyaanna ugu badnaan lagu shaacin doono 6 saac gudaheeda.
Haddii wax ka dhiman yihiin dib ayaa laguugu soodiri doonaa si aad u soo saxdo. Markii aad saxdo toos ayaa loo shaacin doonaa xayeysiintaada.
Haddii la ogaado in xayeysiintaada ay ku jiraan alaabaha aan la ogolayn in la shaaciso, xayeysiintaada lama shaacin doono.