Dhammaan xayeysiimaha la soo geliyo Milkiile waxaa hubiyo kooxda amniga inta aan la shaacin si looga hortago xayeysiimaha wax yeelada u keeni karo macaamiisheena.
Waxyaabaha la eegaayo waxaa ka mid ah:
Luuqadda
Xayeysiinta aad soo gelinayso Milkiile waa inaad ku soo qorto luuqadda Af-Soomaaliga.
Haddii aad doonayso inaad luuqad kale ku darto fadlan uga dar qaybta fahfaahinta adiga oo marka hore qoraayo Af-Soomaaliga kadibna qoraayo turjumaadda luuqadda kale. Xayaysiimaha aan Af-Soomaaliga lagu qorin lama shaacin doono.
Muhiim: Ciwaanka lama ogola in luuqad aan Af-soomaali ahayn lagu qoro. Luuqadaha kale kaliya qaybta fahfaahinta ayaa lagu qori karaa.
Soo geli Sawiro tayo leh
- Weligaa soo geli sawiro ka turjumaayo xayeysiintaada oo isticmaal kuwa aad adigu qaaday ee muujinaayo xaaladda alaabtaada
- Ha isticmaalin sawiro aad internetka ka soo dejisay oo aan ka turjumaynin xaaladda shayga aad xayeysiineyso
- Soo geli sawiro tayo sare leh oo soo jiiden karo macaamiisha. Iska hubi in dhammaan astaamaha shayga aad soo gelinayso sifiican loogu jeedo. Tusaale haddii dilaac, jabniin iyo wixi la mid ah uu leeyahay waa inaad sawir ka qaado qaybta halleysan si loo arko. Tani waxay kaa caawinee in macaamiishu ku aaminaan oo ay arkaan inaadan waxba ka qarin.
- Sawirada aad qaaday korkooda waxba haku qorin.
Qor qiimo macquul ah
Qiimaha alaabta ama hantida aad xayeysiinayso waa inaad si fiican uga fiirsato. Dabcan qiimaha aad rabto waad qori kartaa oo alaabta adiga ayaa iska leh, Milkiile ma fara gelin doono qiimaha xayaysiimaha laakiin ha hilmaamin qiimuhu waa meesha ugu horreyso ee macaamiishu fiiriyaan. Inta aadan qiimaha go’aamin fiiri qiimaha alaabta kula midka ah ee horay loo soo geliyay oo tusaale ka qaado. La soco haddii aad macaamiisha weydiiso qiimo ka sarreeyo midka aad ku qortay xayeysiintaada, xayeysiintaada waa soo dacweyn karaan.
Sidoo kale qiimahaadu waa inuu gorgortan leeyahay oo aad marka hore ku talo gashay waayo
macaamiishu waxa ay jecel yihiin inay gorgortan sameeyaan inta aysan wax iibsan.
Qor ciwaan soo jiidasho leh
Waa in ciwaanka xayaysiintu uu yahay mid la soo koobay oo ka turjumaayo xayaysiinta. Qofka
Ciwaanka akhriyo waa inuu toos u fahmi karo xayaysiintaan waxa ay ku sababsan tahay.
- Tusaale 1: Guri cusub oo iib ah 3+1 alaab leh
- Tusaale 2: MacBookPro 14 inch 128 GB 2018 laptop
Ha hilmaamin ciwaanku waa shayga ugu muhiimsan ee soo jiita macaamiisha.
Qor Fahfaahin qeexan
Fahfaahintu waa inay tahay mid qeexeysa waxa aad xayaysiinayso oo macaamiishu ka heli
karaan dhammaan xogta ay u baahan yihiin. Waa inay ku caddahay waxa shayga aad
xayaysiinayso uu ku fiican yahay ama uu ku xun yahay adiga oo aan qarin xaqiiqda.
Muhiim: Fahfaahin laga soo qaatay xayaysiin kale lama aqbali doono.
Si fiican udooro Qaybta (category) ku habboon xayeysiintaada
Marka aad xayaysiin soo gelinayso Milkiile waxa ugu horreeyo ee aad dooran doonto waa qaybta
xayaysiintu quseyso. Waa inaad xayaysiintaada soo geliso qaybta ku haboon ee saxda ah waayo haddii aad xayeysiintaada soo geliso qayb khaldan ee aad tirtirto si aad u saxdo la soco xayeysiin cusub oo kale ayaa loo tixgelin doonaa oo credit cusub ayaad dhiibi doontaa.
Haddii aadan helin qaybta saxda ah ee ku haboon xayaysiintaada fadlan nala sooxiriir.
Ha gelin hal xayeysiin alaab kala duwan
Fadlan la soco xayaysiin kasta waa inay quseyso hal shay oo kaliya, labo shay oo kala duwan ama isku
mid ah hal xayaysiin lama soo gelin karo. Laakiin qaybta fahfaahinta inta xabo ee aad hayso waad ku qori kartaa oo dhib ma leh.
Ku celis (duplicate)
Lama ogola in xayaysiin horay loo soo dhigay mar kale lagu soo celiyo. Haddii aad u baahan
tahay inaad xayaysiintii hore mar kale shaaciso ku dhufo "Shaaci" oo mar kale dib u shaaci adiga oo aan mar kale soo gelin.
Ha soo gelin alaabaha mamnuuca ah
Fadlan si fiscal ah iskaga hubi in alaabta aad soo gelinayso aysan ku jirin kuwa mamnuuca ah.
Soo gelinta Link-yada
Link laga soo qaaday suuq kale laguma shaacin karo Milkiile, sidoo kale link ay ku jiraan waxyaabo dhib u keeni macaamiisha lama ogola.
Ilaalinta ammaanka Suuqa
Kooxdeena amaanku waxa ay ka shaqeeyaan sidii kor loogu qaadi lahaa amaanka suuqa loogana hortagi lahaa falalka xun ee ka dhaca suuqa. Xayeysiin kasta oo la soo geliyo inta aan la shaacin si taxadar leh Ayaan u eegnaa oo kuwa jebiyay shuruucda isticmaalka ama lagu helo inay soo geliyeen alaab aan la ogolayn lama shaaciyo xayeysiintooda. Sidoo kale xayeysiimaha ay soo dacweeyaan macaamiisheenu ee lagu helo eeda mareegtada waa laga saari doonaa.
Isticmaalayaasha si khaldan ama niyad xun ugu isticmaalo mareegtada akoomadooda waala xiraa si aysan dhib kale ugu geysan macaamiisha.
Hadafkeenu waa inaan samayno suuq amaan ah oo qofkasta si xor ah wax usoo gashan karo ugana iibsan karo.