Haddii aadan geli karin akoonkaada saddex midkood ayay noqon kartaa.
- Inaad si khaldan u gelisay emailka ama raqam sireedka
- In cilad ku meel gaar ahi jirto
- In akoonkaada la xayiray ama la xiray
Iska hubi emailka iyo raqam sireedka
Fadlan si fiican iskaga hubi inaad qortay email iyo raqam sireed sax ah. Haddii aad hubto inaadan khaldin emailka ama raqam sireedka ugu yaraan sug 30 daqiiqo waxaa laga yaabaa in cilad ku meel gaar ahi jirto, kadibna mar kale iskuday inaad gasho.
Haddii aad tijaabisay labada qodob ee sare welina aadan geli karin akoonkaada waxaa laga yaabaa in akoonkaada la xiray. Si aad u hubiso in akoonkaada la xayiray ama la xiray fadlan fiiri emailka aad ku furatay akoonkaada.
Haddii aan xayirno ama aan xirno akoonkaada waxaan kuu soodiri doonnaa email fahfaahin ah.
Sidoo kale akhri sababaha akoonkaada loo xayiri karo ama loo xiri karo.
Fadlan wixii fahfaahin ah la sooxiriir kooxda caawinta Milkiile.