Si aan u sugno amniga macaamiisheena korna ugu qaadno kalsoonida macaamiisha waxaan xaq u leeyahay inaan xayirno ama xirno akoomada jebiya shuruucda isticmaalka iyo shuruucyada kale ee portalka.
Haddii akoonkaada aan xayirno ama xirno waxaan emailka aad akoonka ku furatay kuugu soodiri doonnaa email fahfaahin ah .
Akoomada jebiya shuruucda inta aan gebi ahaanba la xirin ugu yaraan 2 jeer ayaa fariin digniin ah loodiraa, haddii mar 3aad lagu helo khalad kale akoonkaas si toos ah ayaa loo xiraa oo mar dambe dib looma furi doono.
Mar kasta oo aad jebiso shuruucda portalka, akoonkaada muddo usbuuc ah ayaa la xayiri doonaa oo akoonkaada waad geli kartaa laakiin wax ma soo gelin kartid.
Goorma ayaa la xiri karaa akoonkayga
- Haddii la ogaado inaad jebisay shuruucda isticmaalka portalka
- Haddii aad soo geliso alaabta laga mamnuucay in Milkiile lagu xayaysiiyo ee halkaan lagu sharxay.
- Haddii aad samayso ficilada mamnuuca ah ee halkaan lagu sharxay.
- Haddii la ogaado inaad furatay akoon cusub adiga oo horay akoon kale u lahaa.
- Haddii la ogaado inaad soo dhigtay xayaysiin been abuur ah oo aad ku khaldayso macaaamiisha. Tusaale inaad soo dhigto alaab ama hanti aadan haynin ama aadan adigu lahayn.
- Haddii la ogaado xogtaada shakhsiga ah ee aad nala wadaagtay inay khaldan tahay ama ay been abuur tahay.
- Haddii macmiil kale ku soo dacweeyo oo lagugu helo inaad samaysay wax ka baxsan sharciga
- Haddii la xaqiijiyo inaad ku xad gudubtay ama aflagaadaysay macaamiisha kale ee isticmaasha portalka.
- Haddii boolis, maxkamad ama maqaam sharci ah uu sifo sharciyeysan ku soo dalbado in akoonkaada la xiro.
Sideed ku ogaan karaa in digniin la iisoodiray?
- Haddii aad khalad gasho waxaan digniin kuugu soodiri doonnaa emailka aad akoonka ku furatay
Haddii akoonkayga la xiro dib ma u furan karaa
Maya nasiib xumo akoon la xiray dib looma furi doono. Haddii aad aaminsan tahay in si khalad ah loo xiray akoonkaagaa la xiriir kooxda caawinadda macaamiisha.
Haddii akoonkayga la xiro lacagaha aan bixiyay ma la iisoo celin doonaa?
Haddii ay jiraan Credits aadan weli isticmaalin 7 maalin gudaheeda ayaa laguugu soo celin doonaa. Laakiin xayeysiimaha aad horay usoo gelisay wax lacag ah lagaagama soo celin doono.