Haddii aan kaa xirno inaad fariin dirto waxaad arki doontaa fariinta ah “fariimaha waa lagaa xiray”.
Si aan u hubino amniga macaamiisha waxaan muddo xirnaa fariimaha isticmaalaha laga shakiyo fariimihiisa ama ay soo dacweeyaan macaamiisha kale oo la ogaado inuu jebiyay shuruucda inoo taallo.
Maxaa keeni karo in fariimaha lagaa xiro
- Haddii lagaa shakiyo ama aad samayso fal aan wanaagsanayn: Haddii kooxda amniga Milkiile ay ogaadaan in aad udirtay macmiil kale fariimo ka hor imaanaayo shuruucdeena oo meel uga dhici karo sharafta qof kale ama khatar ku ah amniga macaamiisha iyo Milkiile.
- Spam: Haddii aad ku celceliso isla fariintii systemku waxa uu u qaadan karaa inaad tahay Spam taas oo sababi karto inla xiro dirista fariimaha
- Haddii macmiilka kaala soo hadlo qaybta wada hadalka Milkiile aad udirto LINK nuuca uu rabo ha ahaado.
- Haddii macmiilka kaala soo hadlo qaybta wada hadalka Milkiile aad u sheegto inaad meelo kala wax ku iibiso ama aad ka dalbato inuu booqdo website ama app aan kan Milkiile Ahayn.
Haddii aad aaminsan tahay inaadan ka hor imaanin shuruucda fariimaha iyo xuquqda isticmaalka fadlan la soo xiriir kooxda caawinta macaamiisha oo baaris ku sameyn doonto kiiskaada.