Milkiile waxa uu xaq u leeyahay asaga oo aan weydiin soo geliyaha inuu mareegtada ka saari karo xayeysiimaha lidka ku ah shuruucdeena oo dhib gaarsiin karo macaamiisheena. Waxaa suurtagal ah in sawiradu yiin kuwa aan sax ahayn, waxaa laga yaabaa in ciwaanka ama fahfaahintu khaldan tahay oo ay kala duwan yihiin. Waxaa laga yaabaa inay tahay celis oo horay loo soo dhigay ama macaamiishu ka soo dacwoodeen.
Waxaa suurtagal ah inay ku jiraan Alaabaha mamnuuca ah ama Dhaqamada mamnuuca ah.
Sidoo kale xayeysiimaha si qaanuunka raacsan ay u soo dalbadaan booliiska, garyaqaanada, maxkamadaha Iwm waa laga saari doonaa mareegtada.
Haddii aan saarno xayeysiintaada waxaan kuu soodiri doonna Email wacyi gelin ah oo falkaan la xiriira. Haddii aad aaminsan tahay in si khaldan loo saaray xayeysiintaada fadlan la sooxiriir Qeybta caawinta macaamiisha.